Baadi Goobka Dad Ilaa Hada Lagu La’yahay Fatahaada Wabiga Shabeele Ee Baladwayne Oo Socda

Weli waxaa baadi goob lagu haayaa qaar kamid ah dadkii saarnaa doontii ku rogmatay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne iyo dad ay qaadeen Biyaha kasoo fatahay Wabiga,kuwaas oo aan lagu heyn nolol iyo geeri.

Qaar kamid ah dadkaas oo ay mas’uuliyiin kamid yihiin ayaa shalay ilaa iyo maanta laga soo badbaadiyey dooontii la qalibantay halka weli qaarkood aan la heyn,hayeeshee ay baadi goob wadaan Guddi loo xilsaaray.

Gudodomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in weli gurmadka uu socdo,hayeeshee ay macquul tahay in meydadka dadka qaarkood in laga helo meelo ka fog Baladweyne.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka doontaasi la xaqiijiyey inay ku dhinteen ay qeyb ka yihiin dad Shacab ah,kuwaas oo ku wajahnaa deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Wali waxaa soconaya gurmadka iyo baadi-goobka loogu jiro dadka ku maqan biyaha Wabiga,