Amisom oo kahadshay Arimaha Doorashooyinka Dalka ee 2021

Iyada oo ay doorashada Somaliya soo  dhowdahay ayaa taliyaha ciidanka booliska soomaliyeed jeneraal cabdi xasan maxamed la kulmay danjire Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Africa ee soomaliya ayaa waxa ay kawada hadleen  istiraatijayada  iyo siyaabaha  lo sugi  karo dooroshada  hal qof iyo hal codka ah oo laga filayo dalka sida lagu faafiyey barta internetka ay amisom ku leedahay.

Kulankzan  oo ka dhacay Muqdisho sida ay sheegtay amisom ayaa waxaa kasoo qeybgalay saraakiil sar sare oo ka tirsan amisom iyo saraakiisha ciidanka booliska soomaliyeed intu kulanka socday ayaa taliyaha booliska soomaliyed waxa uu ka warbixiyay cusbooneysiinta guddiga amniga oo dhowaan la sameeyay iyo qaabka ay Amisom u taageeri karto howl- wadeenada doorashada labada barlamaan iyo tan madaxweynaha asagoo intaasi ku daray in dowlada Somaliya ay dhanka amaanka ay kasameeysay hormar balaaran ayadoo la kaashaneysa  saaxiibada caalamiga ah si kor loogu qaado amniga mogdisho,magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan.

Saraakishaan ayaa sidoo kale is la gartay in loo baahan yahay in la ogaado meelaha ay doorashadu ka dhici doonto, tirada dadka ka qeyb qaadan doona iyo in tababaro dheeri ah loo sameeyo booliiska si ay gacan uga geystaan sugida amniga dooroshooyinka.

danjire Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Africa ee soomaliya ayaa dhankiisa sheegay baahida loo qabo in Amisom iyo ciidanka booliska soomaliyeed ay wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo amniga guud ahaan si dadka soomaliyeed ay nolashoodu caadiga u maareeyan.

saraakisha sar sare ee amisom ee goob jooga ka ahaa kulankaas waxaa ka mid ahaa taliyaha cusub  ,kuxigeenka kormeeraha guud , la taliyaha gaarka ah ee wakiilka arimaha meliteriga , madaxa howgalka ,madaxa arimaha siyasada iyo taaliyaha gud ee amisom.