Weerar ayaa saakay waabarigii waxaa lagu qaaday Saldhig ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan kaasoo ay qaadeen Ururka Alshabaab.
Weerarkan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka kala gadisan ayaa la sheegayaa in ay jiraan qasaaro labada dhinac ah iyadoo aan wali la heyn tirada saxda ah ee dhimashada labada dhinac iyo dhaawacaba.
Xirada ay shabaabku weerareen ee ku taal Halgan ayaanan aheyn markii ugu horeysay ee ay weeraraan.