Al shabaab oo deegaanka Kutulo ku dishay 10 Kenyaan ah

Maleeshiyaad hubaysan kana tirsan Al shabaab ayaa galabta deegaanka Kutulo ee ku yaala duleedka degmada Wajeer ee Gobolka waqooyi bari Kenya ku laayay dad udhashay dalka Kenya ka dib markii gaari bas ah oo dadkaasi saaraanaayeen ay kala degeen ka dib markii wada ay ugaleen sida ay sheegteen Al shabaabka.

Gaarigan baska ah ee Al shabaabka dadka kala degeen ayaa ka soo baxay magaalada Nairobi wuxuuna ku sii jeeday degmada Mandheera ee isla gobolka waqooyi bari Kenya sida Al shabaabkuba ay sheegeen waxayna gaarigaas ka dejiyeen dhamaan shacabkii Kenyaanka ahaa ee gaariga saarnaa ka dibna waxay ukala saareen dadkii gaariga baska ah ku safrayay Mulim iyo inta Mulimka ahayn sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab.

Warbaahinta Al shabaab ayaa sheegtay in halkaas Ciidamadooda ay ku dileen 10 ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga baska ah ee ku sii jeeday magaalada Mandheera ka dibna intii kale ee Muslimka ahaa sii daayay sida warkan ay ku baahisay Idaacad ku hadasha afka Al shabaab.

“Ciidamo ka mid ah guutada dhabagalka ayaa weerar ka dhacay gobolka NFD ku dilay 10 qof oo kirishtan Kenyaan ah kadib markii ay wadada ugaleen gaari ka yimid magaalada Nairobi kunasii jeeday degmada Mandheera”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhinaca kale war kasoo baxay Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa waxay ku xaqiijiyeen in weerar lagu qaaday gaari bas ah oo marayay deegaanka Kutulo kaasoo ka baxay Nairobi kuna sii jeeday Degmada Mandheera iyadoo Saraakiishan ay ka gaabsadeen in faafaahin intaas ka badan ay ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday gaarigaas iyo cida ku qaaday waxa ay yihiin.