Akhriso Faallo: “Madashii Caleema saarka Madoobe Mucaarad Ninba Maankii hadal”

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxa Shalay oo ay Taarriikhdu ahayd 12/10/019 isugu yimid Xubno kala duwan oo ka midaysan Magaca Mucaaradnimo oo isugu jira Siyaasiin hore, Xildhibaano Barlamaanka Soomaaliya ku jira iyo Erggo ka socotay Dalka beryahan ka shaqaynaya Carqaladeynta Siyaasadda Soomaaliya ee Kiinya.

Munaasibaddan ayaa sida lagu sheegay waxa ay ahayd mid lagu Caleema Saarayo Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Land Axmed Madoobe oo markii Sedaxaad Jagadaas isu taagay iyadoo Doorashadii u danbaysay ee Maamulkaas qabtayna ay Beesha Caalamka iyo Xukuumadda Federaalkuba ka istaageen Mowqif midaysan kaasoo ahaa inaysan aqoonsan doonin Natiijo kasta eek a soo baxda Doorashada uu Axmed Madoobe   Bishii hore ka qabtay  Magaalada Kismaayo.

Munaasibadda ayaa markii la daah furay waxaa halkaa Khudbado koo kooban ka soo jeediyay Siyaasiintii kala duwanaa ee halkaa isugu tegay iyadoo mas’uul walba oo halkaa ka hadlay uu muujiyay aqoontiisa, Siyaasi ahaantiisa iyo waliba waxa Uurkiisa ku jira jeclaan lahaana in ay meel marto.

Mid ka mid ah Raggii goobta ka hadlay ayaa Khudbaddiisa waxaa ku jiray in Dalka Soomaaliya aysan ka jirin wax la dhaho Dawlad isagoo Inkirmaad Cad ka muujiyay Maamulka haatan Dalka ka arrimiya isagoona Mucaaradkii kale ee Goobta ku sugnaa ku tir tirsiiyay in ay Kabaha u gashtaan sidii Dalkan Dawlad loogu dhisi lahaa iyagana SAhacabka Soomaaliyeed uga Fadhiyo sidii Dawlad loo soo dhisi lahaa.

In kastoo Khudbaduhu ay fara badnaayeen haba Nuxur Xumaadeene haddana mid ka mid ah Barlamaanka Soomaaliya oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa si toos ah u Af-lagaadoobay isagoona dhaliil adag dusha uga tuuray Dawladda uu Xubinta ka yahay iyo Maamulkeeda Sareba.

Axmed Madoobe oo ka mid ahaa isaguna Raggii meesha ka hadlay ayaa Khudbaddiisa sidii la filayay si ka bedelan u hadlay isagoo  khudbaddiisa ku muujiyay Ereyo Debulumasiyadeed oo Xanaf iyo Xiqdi midna aan lahayn, halka Ergeygii Kiinya ka socday uu ku sigto inuu Bareer u yiraah Gobolka Jubada Hoose waa Gobol ka mid ah Dalka Kiinya  in kastuu si Sarbeeban arrintaa u yiri.

MADASHII CALEEMA SAARKA MADOOBE MUCAARAD NINBA MAANKII HADAL.. 

Dhab Ahaantii marka aad u kuur gasho Hadaladii ay halkaa ka yiraahdeen Dad badan ayaa waxaa kaaga filan sawirka kaaga baxaya oo ah  in qof walba wixii Calooshiisa ku jira uu halkaa kaga Hadaaqay, waxaase Nasiib darra ah in Siyaasiyiin Asalkoodu Soomaali yahay in ay nagala saftaan Dalka Kiinya oo aan ognahay cadaawadda ay Soomaalida u hayso, taasna waxaa wax laga Naxo ah oo bar bar yaala Siyaasiin Soomaali ah oo qaarkood Dawladda ay ka mid yihiin in Dhaliisha intaa la eg iyo Mucaaradadaas ay halkaa kaga hadlaan.

Shacabkii Soomaaliyeed oo Khudbadahaas dhagaystay ayaa ka qancay Siyaasiintiui halka tagtay iyo Khudbadihii ay Jeediyeen iyagoona ogaaday in Raggaasi Dawladnimo iyo Qaran Soomaaliyeed oo dhisma inaysan diyaar u ahayn welina ay ku fikirayaan sidii ay mar kale iyagu Dalkan u Xukumi lahaayeen iyadoo dhinaca kalena hadaladooda laga dha dhasan karo  Cadiifado iyo in Dalkan dib loogu celiyo Sagaashameeyadii sidii ay qaarkoodba horey u sheegeen.

Dhnaca Xukuumadda Kiinya oo Barnaamijkan si aad ah dabada uga riixaysay ayaa Ujeedkeedu wuxuu ahaa sidii Kiinya iyo Soomaaliya isugu dhici lahaayeen kaddibna Kiiskii Badda oo weli ayan ku quusan meesha looga saari lahaa.

Si kastaba  Shacabka Soomaaliyeed maanta wuu ka dheregsan yahay Xaqiiqda Dalkan taala iyo Mucaaradnimada intaa la eg iyo Ujeedka ka danbeeya oo loogu danaynayo Dawlado Shisheeye oo ay Kiinya ugu horeyso nasiib wanaagse Ummadan haddii marar badan hore loo qalday markan waa ay soo jeedaan

Ugu danbayntiina  Kiinya ha soo adeegsato Mucaarad Xanaaqsan ama ha iska deeysee waxa arrinta Dhulka Soomaaliyeed oo ay heshee ay isu yihiin in Cirku Dhulka u jiro, soomaalina Soomaali baa leh