Akhriso Faallo: Duul Aan Dawladnimo Wax Ka AQoon Dal Iyo Dad Ma Daryeelayaan

Marka aan ka hadlayno Haykalka Dawladnimo ay ku dhisan tahay ayaa waxaa uu ka koobnaa Golaha Sharci  Dajinta oo Barlamaanka ah, Golaha Fulinta oo Wasiirada ah iyo Golaha Garsoorka oo ah Maxkamadda Sare ee Dalka, Hay’adahaas oo dhammaantooda ah kuwo kala madax banana oo Hay’ad waliba Hawsha loo Igmaday ay Fulinayso.

Nidaamka Dawladeed ee Dalkeena ka jira marka aan eegno ayaa dhinac Jadwalkii waxaa ka banana Hay’addii Garsoorka oo muddo dheer doorkeedu banaanaa, labada kalese waa kuwo Shaqeeya oo hawlihii loo xil-saarnaa gudanaya in kastoo Barlamaanka oo qayb ka ah Dawladda uu yahay mid ku yimid Hanaanka Soomaalida waayaha danbe wax ku qaybsato ah 4.5.

Sida la wada ogyahay Barlamaanka Soomaaliya oo qayb ka ah  Haykalka Dawladeed ee uu Dalku leeyahay isla markaana ah Golihii Sharci Dejinta Dalka ayaa waxaa uu ka kooban yahay Laba Aqal, Golaha Shacabka oo ay Fadhiyaan 275 Mudane ama  Xildhibaan oo Beelaha Soomaaliyeed ku Matala iyo Aqalka Sare oo ay 54 Xildhibaan fadhiyaan kuwaas oo iyaguna ku Matala Beelaha Soomaaliyeed.

Barlamaanku ma aha mid iskiisa u taagan, wuxuuse ka tirsan yahay Dawladda Federaalka Soomaaliya kaasoo lagu soo xulay Hanaankii aan kor ku soo sheenay ewe ahaa Afar Dhibic Shasn iyadoo soo xulitaankii Mudanayaashaas aan loo eegin habka ay tahay in Xildhibaan Qaran lagu soo xulo.

Shuruudaha qurxoon ee lagama maarmaanka ah  in Xildhibaan Qaran lagu soo Xulo ayaa ahayd marka ugu horeeya in lagu sameeyo Qiimeyn Aqoonta Ruux noqonaya Xildhibaanka uu gaarsiisan yahay, Siyaasadda oo qof walba uusan dhexda ka raac ahayn heerkiisa Siyaasadeed, Heerkiisa Waddaniyadeed iyo halka ay gaarsiisan tahay ugu danbayna inuu yahay Shakhsi qiimayn kara wax badana ka og Xaaladda Dalka ka jira, balse haddii uu yahay Shakhsi wadci ahaanba waxba kala socon Xaaladaha Dalka iyo Dadka, Dareenkiisa waddaniyadeed iyo aqoontiisa Maadiyeedna ay tahay mid aan gaarsiisnayn heerkii laga rabay waxaan shaki ku jirin in Barlamaankaas uusan Cimrinayn, Fashilna uu ku dhamaanayo.

Dibitaatiyada ama Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya marka aad qaab u fiiriso in kastoo ayan ka sinnayn aqoonta, Dabeecadda iyo Fikirkaba haddana in badan oo xildhibaanadaas ah ayaa waxaan uba bilownayn Siyaasadda, Dareenka Waddaniyadeedna adoon gaarin waxa isaga qaldan Dawlad iyo Xisbi, waxaa uuna shaki kaa galayaa Dhaqanka Xildhibaanada qaarkood markad aragto oo ku dhax milan Xisbi Siyaasadeed Mucaarad iyio Muxaafad midkuu doono ha ahaadee, sidoo kale waxaa la yaab ah Shakhsi Mas’uuliyad Qaran hore u soo qabtay oo haddana la safan Cadow Soomaaliyeed, taasin marka la isku cel celiyo waxay u dhacaysaa DUUL AAN DAWLADNIMO WAX KA AQOON DAL IYO DAD MA DARYEELAYAAN ?

Ummadda Soomaaliyeed waxay si dhow iyo si dheerba ula socotay dhacdadii dhawaan ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ka gadaal markii  Mudane ka tirsan Barlamaanka Kiinya ee ASALKIISU Soomaali yahay meel ay Fadhiyaan Siyaasiin ka tirsan Barlamaanka iyo Axsaabta iminka u ol oleynaysa in Talada Dalka ay qabtaan uu ka jeediyay Ereyo bah dil ah oo loo gaysanayo Sharafta iyo Karaamada Ummadda Soomaaliyeed  kaasoo waliba si Sarbeeban hadalkiisa ku sheegay in Gobolka Jubada Hoose uu yahay qayb ka mid ah Dalka Kiinya Xertii Siyaasiinta Soomaaliyeedna ay Madaxa u ruxayaan iyagoo u riyaaqaya hadalka Kiinyaati Soomaaliga uu halkaa ka jeedinayay.

Si kastaba Shakhsigu haddii uusan kala garan Karin ama uusan kala sooci Karin Nidaamka Dawladnimo iyo xilka uu ka hayo lama oran karo waa mas’uul qaran, waayo Mas’uuliadaadu waa in ay kugu xanbaartaa inaad fahmi karto Hay’adda aad ka tirsan tahay.

Ugu danbayna haddii taa la waayo dabacan waxaad la mid noqonaysaa ama aad ku sifoobaysaa qof aan loo aamini Karin Shaati Dawladnimo waayo bery baad caayaysaa  Dawladdii aad xubinta ka ahayd ama dhaleeceyneysaa illayn aqoontii baa kaa maqane.