Aadan barre Ducaale oo kismaayo ka sheegay fariin ay Usoo Dhiibtay kiinya

Wafdi uu horkacayo Hogaamiyaha Aqlabiyada  barlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale Ayaa maanta gaaray magaalada kismaayo taas oo ka dhigan in Kenya ay jabisay Amarkii kasoo baxay  Dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha Kenya ee ku socda Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho

Wafdiga oo ka koobnaa ugu yaraan 10 Xubnood oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo masuuliyiin sare Kenyaan ah ayaa halkaas u tagay ka qeybgalka Caleemo saarka Axmed madoobe oo Maanta dhacday.

Aadan ducaale ayaa warqad ay usoo dhiibtay dowladda Kenya ka aqriyay Xaflada taas oo Kenya ay ku sheegtay in ay taageersan tahay doorashadii Jubaland lana shaqeeneyso Axmed madoobe

Intaas kadib Aadan Barre Ayaa weerar dadban ku qaaday Madaxweyne farmaajo isaga oo Yiri Aadan barre “Islaan aan uunsan jirin hadey uunsato, meel aysan ka guban jirin ayey ka Gubataa. “Waxa uu sheegay in wax dan aysan ka laheyn soomaaliya balse ammniga kenya uu ku xiran yahay danaha Jubaland  waxa uu ka digay in farta lagu fiiqo ciidamada Kenya Oo uu sheegay in ay ku joogaan magaca AMISOM.

Waxa uu toosh ku ifiyay Madaxweynayaashii hore oo uu sheegay in ay la shaqeeyaan Kenya isaga oo cambaareeyay is hortaagii lagu sameeyay sheekh Shariif.